Eey laba Xiddigle ah oo 3 saac dib u dhigay jaadkii Muqdisho: Sabab?

Bulsha:- Wararka ka imaanaya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in mid kamid ah Eeyaha baaritaanada ku sameeya qaadka kasoo dega garoonka uu wacdaro ka dhigay Garoonka.

Eeyga oo la sheegay inuu ahaa Laba xidigle ayaa waxa uu sabab u noqday inuu hakat galo xiligii garoonka laga soo saari jiray Jaadka kadib markii uu hurday xili aan munaasab aheyn.

EEYJorin oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Ugandha ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde ayaa ka biya diiday in Eeyga uu kasoo kiciyo hurdada kadib markii uu sheegay inay ku adagtahay islamarkaana uusan amar u qabin inuu toosiyo Eeyga oo jiifa.

Waxa uu sheegay inaan munaasab aheyn in la toosiyo Eeyga isaga oo hurdaayo, kadib markii uu sabab uga dhigay hadii la toosiyo inuusan awoodi Karin inuu sheego daroogada qaadka.

Eeyga ayaa suuragaliyay in muddo Seddex saac ah uu dib u dhigo xiligii uu magaalada soo gali lahaa qaadka, isaga oo hurdo galay xiligii uu qaadka soo dagaayay.


Sidoo kale, Eeygaasi ayaa u tababaran barista muqaadaraadka, waxa ayna Saraakiishu sheegen in dhanka Wasaarada Gaashandhiga Ugandha uga diiwan gishan yahay Laba xidigle.

Arrintaasi ayaa waxa ay la yaab ku noqotay Ganacsatada qaadka usoo dageysay kadib markii ay aamini waayen in dhowr saac uu ganacsigooda hakat u galo Eey hurdaayo awgiis.

Ciidamada Amisom ayaa adeegsada Eeyo tababaran, kuwaasi oo dadka gelaya xarunta Xalane si daran u baara, iyadoo dhawaan ay aheyd markii koox Suxufiyiin Soomaaliyeed oo looga yeeray Xalane lagu soo daayay eey baara, balse ay diideen in ay howshooda gudaan hadii uu eey baarayo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment