Bulsha:- Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u faaqiday Gef ay Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama ay u geesatayXaaska Wasiirka Arimaha Gudaha Yahuuda Israa'iil , waxaana Gefkaasi laga cabsi qabaa in Haweeneydaasi loo furo.
Judy Shalom oo ah Xaaska Wasiirka Arimaha Gudaha Israa'il ayaa barteeda Twitter-ka waxa ay soo dhigtay Qoraal ay ugu gafeyso Madaxweynaha Dalka Mareykanka waxa ayna ku tilmaantay Brack Obama in uu yahay Bun iyadoona ku micneesay in uu yahay Madaw Jilicsan.
Haweeneydan ayaa durba la kulantay dhaleeceyn dhinacyo kala duwan uga yimid, waxa ayna durbo ka saartay qoraalka ay soo dhigtay Bogeeda Twitter-ka, waxa ayna bilowday in ay raali galin ka bixiso gefkaasi ay Obama u geesatay.
Judy Shalom Waxa ay sheegtay in ay ka xuntahay qof kasta oo dhibsaday qoraalkeeda ay ugu guftay Madaxweynaha Mareykanka, waxa ayna intaa ku dartay in ay rajaynayaso in ninkeeda uusan u furi doonin gefkaasi dartiis iyada oo lasoo daristay cabsi la xariirta in uu ninkeeda ficilkaas uu u furo.
Wasiirka Arimaha Gudaha Yahuuda Israa'iil Silvan Shalom ayaa shaqada uu u hayo Yahuuda waxaa kamid ah wanaajinta Xariirka ka dhaxeeya Yahuuda iyo Mareykanka, lamana oga saameynta Gefka ay xaaskiisa u geesatay Obama ku yeelan karto howlihiisa shaqo.
_______________________
Xafiiska Shabakada BulshaUK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment