Daawo Sawirada:- Wasiiro katirsan Xukuumada Somalia oo Dhalinyaro Kubad kula ciyaaray Garoon kuyaala Cadaado

Bulsha:- Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka Xukuumada Soomaaliya iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa xalay kormeeray goobo kuyaala Magaalada Cadaado ay ku jiraan Goobkubada Cagta lagu ciyaaro , halka ay dagan yihiin Musharixiinta Galmudug iyo Xabsiga Dhaxe ee Magaalada Cadaado.

Wasiiradan ayaa tagay Barxad kutaala Cadadao oo xiliyada habeenkii Banooniga lagu ciyaaro waxaana Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Qorsheynta ay dhax galeen Dhalinyaro kubad ku cayaareysay waxaana la arkayay Wasiirada oo dhankooda kubada wax ka ciyaaraya sidoo kalana fiirsanaya.

Waxa ay sidoo kale Wasiir Odawaa iyo Wasiir Ceynte booqdeen halka ay dagan yihiin qaar kamid ah Musharixiinta u taagan xilka Qabashada Madaxweynaha Galmudug waxa ayna halkaasi kula kulmeen Mushrixiin uu kamid ahaa Axmed Cabdisalaan .

Wasiirada ayaa ugu dambeyn waxa ay tageen Xabsiga Dhaxe ee Magaalada Cadaado halkaas ay ugu kuurgalayeen xaalada Xabsiga waxa ayna la sheekeesteen qaar kamid ah Maxaabiista ay wax ka weediiyeen Noloshooda iyo sida loola dhaqmo.

Wasiiradan ayaa Magaalada Cadaado u jooga sidii loo dhisi lahaa Maamulka Gobolada Dhaxe ee Galmudug, waxaana la filayaa in dhawaan Magaalada Cadaado lagu doorto Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanaka Galmudug.














_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment