DEG DEG: Sheekh Caan ah oo Kenya Lagu Afduubtay & Cabsi Laga Qabo in ladilo Xili Dowlada kenya…

Bulsha:- Sheekh Cumar Salaad Kediye oo ka mid ah Culimada Somalida Kenya, ayaa waxaa maalintii saddexaad laga la’yahay Magaalada Garissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Sheekh Cumar Salaad Kediye, ayaa ahaa Imaamkii Masjidka Jaamacadda Magaalada Garissa, ka hor inta aynaan Ururka Al Shabaab weerar qorsheysan ku qaadin, 2-dii bishii April ee sanadkan.

Sheekha, ayaa waxaa la waayay gelinkii dambe ee maalintii Talaadada, xilli uu suuqa adeeg kaga doonay qoyskiisa, sida ay sheegtay afadiisa oo la hadashay laanta afka Somaliga ee VOA.

Nuur Barre Cali oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolka Waqooyi Bari, ayaa si xoogan Dowladda Kenya ugu eedeeyay inay iyadu ka masuul tahay, tallaabada gaari uu la socday loogala degay Wadaadka.

Nuur Barre wuxuu hay’adaha ammaanka Kenya uu ugu baaqay haddii wax dembi ah lagu haysto Wadaadka, inay baaritaano ku sameeyan muddo 24 saacadood ah, dabadeedna ay Maxkamad soo taaggaan.news

Nuur oo la hadlay VOA, ayaa carabka ku adkeeyay Cadaalad daro inay tirsanayaan, isla-markaana ay saluugsan yihiin in sidaa lagula dhaqmo Culima’udiinkii Deegaanka.

Booliska Magaalada Garissa, ayaa si xoogan u beeniyay eedeymaha kaga yimid ehelada Sheekha, waxayna sheegeen inaanay waxba kala socon xarigiisa, isla-markaana aan lagu hayn Xarumaha Dembi Baarista Garissa.

Kenya, ayaa horey u gaysatay tacadiyo ka dhan ah Culimada Gobolada Waqooyi Bari Kenya iyo Xeebta, inkastoo laamaha ammaanka Kenya ay iska fogeeyan inay xadgudubyo kula kacaan Culimada Muslimiinta.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment