Deg Deg: Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo la doortay from Warfaafiye Kala Soco Warar Sugan by bashka

Bulsha:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa loo doortay Cali Gacal Casir oo ka mid ahaa saddex musharax oo u tartamaysa Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Cali Gacal Casir ayaa helay codad gaaraya 48 cod, sidaasi ayeey Guddiga doorashada ugu dhawaaqeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug uu yahay Cali Gacal Casir.

Cali Gacal CasirWareegii labaad doorashada oo Cali Gacal ku soo baxay ayaa waxa ay wada tartamayeen Musharax C/laahi Maalin Gaafoow “Aasparo” oo helay dhankiisa 36 cod sida Guddiga ay sheegeen.

Natiijada markii lagu dhawaaqay ayaa hoolka doorashada ay ka dhaceysay ee Magaalada Cadaado, wuxuu noqday mid sacab iyo buuq hareeyo oo Guddoonka cusub lasoo dhaweeyay.


Waxaa haray doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment