Daawo Sawiro:- Gudida Beesha Habar-Yoonis UK Oo Doortay Gudoomiye Cusub

Bulsha:- Shir weyne balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen xubnaha gudida HY ee UK ayaa jimcihii 5ta Jun 2015 ka dhacay Nomad restaurant oo ku yaala galbeedka magalaada London ee cariga Ingiriiska.

IMG_9601Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd casuumid, abaal marin iyo xil wareejin dhex martay gudida HY UK ee hada xilka haysa iyo gudidii hore ee xilkaas wareejisay 2dii May 2015.

Odayaal, culimaa`udiin, aqoon yahano, mujaahidiin, weriyeyaal, ganacsato iyo wax garad badan ayaa ka mid ahaa dadkii xafladaas ka soo qayb galay kuwaas oo halkaas ka jeediyey hadalo qiimo leh oo wacdi iyo dardaaranba isugu jiray.

Madashaas oo ahayd mid aad u bilayd ayaa waxaa mahadnaq ku saabsan siday hawshoodii uuga soo baxeen iyo weliba shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey xubnihii gudidii hore oo uu u gudoomay Mujaahid Casayr Cabdulqaadir, ayadoo weliba aad loogu dheeraaday qiimaha ay lahayd sidii sharafta iyo maamuuska lahayd ee ay xilka u wareejiyeen markii mudo xileedkoodii soo gebogaboobay.

Gudidaas hore ee HY London ayaa ayaguna geestooda ka mahad celiyey sida sharafta leh ee ay walaalahooda hawsha kala wareegay u maamuuseen waxaanay isla goobta kaga balan qaadeen inay gudida cusub ee ay xilka ku wareejiyeen uula shaqayn doonaan si kal iyo laab ah oo aan haba yaraatee hakrasho lahayn.

Aakhirkiina gudoomiyaha HY UK Sheekh Cabdillahi Cismaan Ismaciil ayaa shahaado sharaf aad u qiimo badan oo abaal marin ah ku sharfay gudidaas hore waxaana u gudoomiyay duuliye sare Mujaahid Casayr Cabdilqaadir. 


Sheekh Cabdilaahi Cismaan Ismaciil waa aqoonyahan degan magaaladda London wax-weyna ka dhex qabtay bulshada Soomaaliyeed ee dalkan Ingiriiska ku nool gaar ahaan reer Somaliland,Waana Gudoomiyaha xarumaha  caankaa ee Baseerah Training Centre London.Waxaanan Allah uga baryaynaa in xilkaas loo dhiibay Allah u fududeeyo.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment