Ciidamada Ahlusuna oo saaka dagaal kula wareegay degmada Dhuusa Mareeb

Bulsha:-  Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka tirsan kuwa ahlu-sunnah ay subaxnimadii hore ee maanta la wareegeen dhamaan xarumaha maamulka ee Dhuusa-mareeb.

Sida ay sheegayaan goobjoogyaal ku sugan magaalada, malayshiyada ahlu-sunnah ayaa ka yimid dhanka Guriceel oo ay la wareegeen mar sii horeysey, waxaana isla saakey dagaal magaalada ku dhexmarey iyaga iyo ciidamada Dowladd Federaalka ka joogey Dhuusamareeb.

Lama oga khasaaraha ka dhashey dagaalka, waxaana uu dhacay xilli dadku aysan weli guryahooda ka soo bixin.

Ciidamada Dowladda ayaa magaalada isaga baxay, waxaana wararka u danbeeyey sheegayaan in magaalada inteeda badan lagu arkaayo Malayshiyaadka Ahlu-snnah.


Dhuusamareeb waa halka la doonaayo in ay xarun u noqoto maamulka la doonaayo in lagu dhisaayo Cadaado, inkasta oo aan la isku raacsaneyn.

Dagaalo horey uga dhacay ayaa Ahlu-Sunnah looga saarey Dhuusamareeb oo ay muddo dheer ka soo talinayeen.

Ururka Ahlu-sunnah ayaa si weyn uga cadhaysan in abaalkoodi loogu gudey in banaanka la dhigo, kadib markii ay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ay ka saareen malayshiyaadka al-Shabaab dhamaadkii 2009.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment