Daawo Sawirada- Ninkii ugu horeeyay ee lagu tallaalo xubinta taranka ragga oo aabbe noqonaya

Bulsha:-  Muwaadin u dhashay dalka Koofur Afrika oo lagu tallaalay xubinta taranka ragga ayaa la sheegay in xaaskiisa ay leedahay uur afar bilood ah.

Dhakhtarkii qalliinka tallaalka ah sameeyay Andre van der Merwe ayaa u sheegay BBC in xaaska ninka uu ku tallaalay xubinta taranka ay leedahay uur afar bilood ah taasna ay u tahay cadeyn in tallaalkaas lagu guuleystay.

Ninkan lagu tallaalay xubinta taranka oo aan la shaacin magaciisa ayaa ah 21 jir ay dhibaato ka soo gaartay xilli la gudayay, waxaana qalliin lagu sameeyay wiilkan dhalinyarada ah bishii December ee sanadkii hore.

Dhakhaatiirta qalliinkan sameysay ayaa waxa ay ka tirsan yihiin Stellenbosch University waxana qalliinka oo qaatay muddo sagaal saacadood ah lagu tallaalay wiilkan xubin kale oo loogu deeqay,iyadoo qalliinkuna uu ka dhacay Tygerberg Hospital ee magaalada Cape Town dalka Koofur Afrika.

Dr Van der Merwe ayaa sheegay in uu aad ugu farxay markii uu maqlay in xaaska ninka uu qalliinka ku sameeyay ay xaamilo tahay. “Tan ayaa ah wixii aan qorsheynay oo ah in uu istaagi karo awoodi karo inuu kaadsho isla markaana uu galmo sameyn karo,”ayuu u sheegay Dr Van der Merwe BBC.

Dhakhtarka ayaa sheegay in kooxda qalliinka sameysay ay dib u eegi doonaan guusha ay gaareen ayna sameyn doonaan mustaqbalka tallaalo kale oo xubinta taranka ragga lagu talaalayo dadka u baahan. Waxana la sheegay in dhakhaatiirtan ay isticmaaleen farsamooyinka loo isticmaalay tallaalida wajiga si ay isugu xiraan xididada yaryar iyo kuwa waaweynba.

Dadaalo badan oo lagu doonayay in xubinta ragga tallaal lagu sameyn karo ayaa hore u guuldareystay. Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ka jirta baahi badan oo ah xubinta taranka ragga maadaama dhalinyaro badan si xun loo guday isla markaana ay ku gus beeleen gudniinka lagu sameeyo dhalinyarada reer Koofur Afrika.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment