Daawo Sawirada:- Talha Asmal oo noqday muwaadinkii ugu yaraa oo British ah ee isku qarxiya dalka Ciraq

Bulsha:- Talha Asmal oo ahaa 17 jir ka soo jeeda  Dewsbury,West Yorkshire dalka Britain  ayaa noqday muwaadinkii ugu da’ada yaraa ee British ah oo qaada weerar ismaadin ah.

Asmal ayaa ka mid ahaa afar dagaalyahan oo ka mid ah ISIS oo isku qarxiyay dalka Ciraaq meel u dhow magaalada Baiji. Weerarkan is miidaaminta ahaa oo ahaa mataano ayaa waxaa ku dhintay 11 ruux kadib markii baabuur waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay meel u dhow warshad sifeysa bartoolka.

Talha Asmal oo qaatay magaca Abu Yusef al-Britani ayaa muuqaalkiisa waxa uu ka soo muuqday sawiro la soo dhigey baraha internetka isagoo la jooga saddex kale oo ka mid ahaa ururka ISIS.

Wiilkan 17 jirka ahaa ayaa ka cararay gurigiisa oo ku yiil Dewsbury, West Yorkshire, bishii March isagoo ku biirey ISIS, waxaa sidoo kale la socday wiilkan saaxibkii  Hassan Munshi oo isagana 17 sano jir ah.

Qoraal ay soo saareen qoyska wiilkan uu ka soo jeeda ayaa lagu sheegay in wiilkooda lagu sasabtay barta internetka waxana ay cambaareeyeen ururka ISIS iyagoo ku tilmaamay dad aan Islaam ahayn.











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment