Bulsha:- Maxkamad kutaala waqooyiga dalka Faransiiska ayaa lasoo taagay haweeney loo heesto in ay dishay sideed caruur ahay dhashay,
Dominique Cottrez oo 51-sano jir ah ayaa qiratay in ay dishay caruurtaasi, waxa ayna sheegtay in ay dhibtootay kadib markii ilmaha ay ku dhashay guri qarsoodi ah sidaasina ay falka u geesatay.
Haweeneydan ayaa mar qura iska oysay markii maxkamada lasoo taagay, waxaana wajigeeda ka muuqday in aysan ku farxsaneen falka ay ku kacday ee ku dishay sideeda caruurta ah kuwaa oo mid waliba ay dishay markii uu dhashay.
Garsooraha gacanta ku haya kiiska haweenaydan loo heesto ayaa dhageesiga dacwada kadib go’aan ka gaari doona in Haweeneydan dishay caruurteeda ay tahay dambiile iyo in ay tahay qof xanuunsanaa markii ay falkaasi geesaneysay.
Dhaqtar ayaa sheegay in Haweeneydan dishay caruurteeda ay qabtay xanuun dhanka Maskaxda ah uu tilmaamay in ay ka dhaxashay aabaheed sidaasba ay falkan ugu geesatay caruurta ay dhashay.
Dominique Cottrez ayaa la ogaaday in Cunug kasta ay dhashay ay ceejo ku dileysay kadbna ay hareeraha guriga ku aaseeseed, waxaana haweeneydan la sheegay in ilmaha ay si qarsoodi ah u dhaleysay.
Ninka qabay Haweeneydan caruurteeda dhalmada kadib dileysay ayaa la sheegay in uusan marnaba ogaan in xaaskiisa uur leedahay, waxa uuna ninkaasi sheegay in xaaskiisa ay aheed qof buuran oo aan la ogaan karin in uur leedahau iyo in kale.
Haweeneydan caruurteeda sida hoose u dishay ayaa ka qoomameysay falkaasi, waxa ayna tilmaantay in ay joojin laheed falkan hadii qof un ogaan lahaa arinteeda ayna raadin laheed caawinaad ay caruurteeda ku bad baadiso.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment