Daawo Sawirada : Soomaalidii Qurbaha oo ku soo Qul Qulaayo magaalada Muqdisho iyo Sababta oo la ogaaday

Bulsha:- Tan iyo markii ay bilaabatay bisha Barakeysan ee Ramadaanka ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Kumanaankun oo Qof kuwaas oo ka kala yimid Qurbaha gaar ahaan wadamada Yurub , America iyo Carbaha.

Garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ee AadanCadde Airport ayaa maalmahaan dambe waxa uu noqday mid saaid u mashquul ah oo laga dareemayo Diyaarado kala duwan oo wada shacab fara badan iyo masuuliyiin u shaqeysa Hay´adaha Caalamiga ah .

Dalal badan oo ku yaala Qaarada Yurub waxaa bisha Ramadaan laga soomaa in ka badan 20-Saacadood sidaas darteed waxaa jira dad badan oo go´aansaday in ay bisha barakeysan ee Ramadaanka ku dhameeystaan jawiga degan ee ka jira magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia .







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment