Daawo Sawirada:- Al Shabaab oo Soo Bandhigay Gawaari iyo Hub ay ka Qabsadeen Ciidamada Itoobiya

Bulsha:-  Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay Gawaari iyo hub fara badan oo ay kala wareegeen Ciidamo itoobiyaan ah oo ay jidka u galeen.

Muuqaalada la soo bandhigay ayaa waxaa ka soo muuqday tiro gaadiid ah oo sida ay Shabaabku ku sheegeen in Ciidanka Itoobiya looga gubay dagaalkii qaraaraa ee ku dhex maray deegaanka Buulo Jameeco, oo 20km u jirta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.


Labadan dhinac ayaa 11-kii bishan isaga horyimid dagaal qaraar, dagaalkaas oo soo gaaray ilaa maalintii labaad ayaa waxaa dagaalkaasi lagu sheegay inuu ahaa mid aad u qaraar oo ay labadan koox isaga hor yimaadaan

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa Warbaahinta u sheegay dagaalkaasi inay ku dileen in ka badan 33 ka mid ah Ciidanka Militariga Itoobiya.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment