Ciidamada Milatariga oo dilay taliyihii Nabad Sugida Afgooye

Bulsha:-  Liibaan Abuukar Yarow, Taliyihii Nabad Suggida Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa Jimcihii shalay lagu weeraray duleedka Degmada Afgooye, xilli gawaari uu la socday jidka loo galay.

Gawaarida Taliyaha, ayaa waxaa lagu weeraray meel ku dhow deegaanka Muuri, oo dhaca duleedka Degmada Afgooye, iyadoona ay wadada u galeen Ciidanka Militariga Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha oo dhaawac culus uu weerarkaasi ka soo gaaray, ayaa waxaa la keenay Isbitaalka Degmada Afgooye, si wax looga qabto caafimaadkiisa, hase ahaatee uu xalay ugu geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray weerarkaasi.


Saraakiisha Dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaan wax war ah ka soo saarin dilka Taliyihii Nabad Suggida Degmada Afgooye. Dilkan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo Ciidamada Militariga ay mushaar la’aan ka qaylo dhaaminayan.

Ciidanka Dowladda, ayaan wax mushaaraad ihi ka helin Xukuumadda Somaliya muddo lix bilood ah. Ciidamada waxay marar kala duwan sameeyen gadood ka dhan ah mushaaraad xumo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment