Al-shabaab oo xalay mudo kooban la wareegtay Afgooye

Bulsha:- Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa waxay xalay weerar lama fillaan ahaa ay ku qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoona muddo kooban la wareegay qaybo ka mid ah Degmadaasi.

Shabaabka, ayaa dagaal toos ah la galay Ciidanka Booliska ee fariisimaha ku leh Buundada Afgooye, dhinaceeda Mukayga Afgooye loo yaqaano. Waxaana in muddo ahba halkaasi laga maqlaayay rasaas xoogan.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa Mukayga kala wareegay Ciidanka Booliska, waxayna halkaasi ku qabsadeen dhowr ka mid ah gaadiidka dagaalka, oo Boolisku ay lee yihiin.


Dadka deegaanka, ayaa soo sheegaaya in ciidan xoogan ay soo gaareen Mukayga, taasoo horseeday in Shabaabka dib loogala wareego gacan ku haynta halkaasi.

Weerarkan, ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac ah, inkastoo ay adag tahay in macluumaad laga helo inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Lama soo sheegin cid ka tirsan dadka deegaanka oo waxyeelo ay ka soo gaartay iska horimaadka dhinacyadaasi ku dhex maray Degmada Afgooye.

Tani waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo Dowladda Somaliya ay dareen ka muujinayso weeraro, ay Al Shabaab ka gaysato dhulka ay ku sugan tahay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment