Bulsha:- Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa si nabad ah dib ugu laabtay magaalada Khartoum ee Caasimada Sudan, halkaasoo si weyn ugu soo dhoweeyeen shacab fara badan.
Cumar Al-Bashiir magaalada Johannesburg ugu qeybgalay shirka Madaxda Midowga Afrika ayaa waxay taasi dhalisay xiisad, kadib markii maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ka dalbaday dowladda South Africa inay usoo gacan geliso.
Madaxweyne Al-Bashiir ayaa waxaa soo dhoweynayay shacab fara badan, isagoo saarnaa gaari dusha ka furnaa oo uu ugu gacan haatinayay dadkii sii dhoweeyay.
Maxkamadda sare ee magaalada Pretoria ayaa soo saartay amar ku aadan in aanu dalka ka bixi karin, waxaana taasi keentay wal wal badan oo shacabka Sudan ka qabeen in loo gacan geliyo Maxkamadda ICC oo horay u jartay ruqsada lagu soo xirayo.
Laakiin Koofur Afrika ayaa sheegtay in aysan marti u aheyn, isla markaana aanay awood u laheyn inuu soo xirto, maadaama uu marti u yahay Midowga Afrika, isla markaana uu heysto xasaanad.
Shaki badan ayaa la gelinayaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Koofur Afrika iyo Sudan, iyadoo dowladda Sudan lagu wado inay war ka soo saarto arrintan.
Maxkamadda ICC ma lahan Ciidamo boolis, sidaas darteed dalalka xubnaha ka ah ayaa waxaa waajib ka saaran inay soo qabtaan cidii lagu soo oogo dambi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom






Blogger Comment
Facebook Comment