Aqriso:- Sideey ugu suurta gashay in Kenya disho 11 katirsan Al-shabaab?

Bulsha:- Dowlada Kenya ayaa shalay soo bandhigtay meeydadka 11 katirsan kooxda Al-shabaab, kuwaasoo lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Lamu gaar ahaan xuduudka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Wargeyska The-Star ee kasoo baxa Kenya, ayaa daabacay in sirdoonka Kenya ay ka war heleen weerarka Al-shabaab ayna u diyaar garoobeen, taasoo sababtay jabka Al-shabaab.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Issa oo loogu yeero aka Shiriwa, uu ahaa ninkii hogamainayay kooxdan, islamarkaasina tan iyo Bishii February ay ku dhuumaaleeysanayeen Keymaha Boni halkaasna ay kasoo qaadayeen weeraradii dhiiga badan ku daatay sida kii Mpeketoni.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Raggaan ay dileen intooda badan ay yihiin Muwaadiniin Kenyan ah oo ku biiray Al-shabaab.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment