Daawo Muuqala "Diyaar garoow xoogan iyo soo dhaweynta Bisha barakeysan ee Ramadaan ee Magaalada Muqdisho!!

Bulsha:- Shacabka magaalada Muqdisho ayaa waxay diyaar garoow xoogan ay ugu jiraan soo dhaweynta bisha barakeysan ee ramadaanka iyadoona uu ka muuqdo mashquul xoogan suuqyada magaalada Muqdisho dadkuna ay uga adeeganayaan si yaabo kala duwan si ay u iibsadaan badeecooyinka ay u baahan yihiin inay ku suxuurtaan kuna afuraan gudasha waajibkooda Soonka ka dib 

Diyaargaroow xoogana ayaa waxaa la sheegay inay ugu jiraan shacabka ku nool magaalada Muqdisho bisha Barakeysan ee Ramadaanka iyadoona ay dadku ka adeeganayaan suuqyada magaalada arintaas oo keentay inay dadku ay buux dhaafiyaan Suuqyada magaalada Muqdisho dadkuna ay ku jiraan iibsiga badeecadaha kala duwan oo ay uga baahan yihiin isticmaalka bisha Ramadaan, Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxaa la arkaayey ayaga oo si xad dhaaf ah uga adeeganaayo suuqyada magaalada Muqdisho ee lagu iibiyo badeecadaha kala duwan. 




Ugu dambeyntiina iyadoo shacabka ku nool magaalada Muqdisho ay isu diyaarinyaan bisha barakeysan ee Ramadaanka ayaa qaar ka mid ah ganacsatada ku iibisa badeecooyinka kala duwan suuqyada magaalada Muqdisho waxay sheegeen inay dareemayaan mashquul badan oo kaga yimid shacabka magaalada oo u diyaargaroobaayo bisha Ramadaanka ayagoona sheegay in si ka badan maalmihii hore looga iibsado badecooyinka kala duwan maadaama ay dadku u diyaar garoobayaan bisha barakeysan ee Ramadaanka. 








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment