Bulsha:- Qaar ka mid ah wadamada ay ku noolyihiin dadka muslimiinta ah, ayaa waxa ay ku kale kedisnaan doonaan saacadaha ay soomayaan.
Qaarkood ayaa waxa ay soomi doonaan in ka badan 21:00 saacadood maalintaaba inta uu ka idlaaneyso bishan barakeysan ee Ramadan.
Wadanka ugu saacadaha badan ayaa waxa uu noqonaya wadan ka mid wadamada dhaca Qaarada Yurub, kaa oo dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan ay soomi doonaa 21:00 waana wadanka Denmarka.
Saacadaha wadankeena Soomaaliya laga soomi doono ayaa waxa ay noqonayaan 13:00 saacadood maalinkasta in lagu guda jira bisha Ramadaan. Halka wadamada dhaca Asia-da fog ay badankood soomi doonaan 12:00 Saacadood maalintiiba.
South Africa ayaa waxa ay soomi doontaa saacado yar oo ah 10:30 maalinkasta.
Sidoo kale wadanka ugu saacadaha yar ee dadkiisa soomi doonaan in ka yar 10:00 Saac ayaa ah wadanka daca qaarada America waana wadanka Argentina kaa oo ay dad kiisa soomi doonaan 9:30 Maalinkasta oo ka mid ah bisha Ramadan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment