Booliska dalka Canada oo magaalada Ottawa ku xiray nin Soomaali ah

Bulsha:- Booliska Canada ayaa sheegay inay xireen nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer oo ay sheegeen inuu ku lug lahaa afduubkii weriyihii Canada u dhalatay ee Amanda Lindhout iyo weriye kale oo Australia u dhashay kuwaasi oo lagu afduubay gudaha Somalia 23 bishii August ee 2008.


Ninkan Soomaaliga ah ayaa lagu qabtay magaalada Ottowa maalintii shalay.

Booliska ayaa sheegay in Cali Cumar Adeer uu ku lug lahaa wadaxaajoodyada muddada 15 bilood ahayd ee labadan weriye afduub ahaanta loogu haystay gudaha Soomaaliya.

Labada weriye ayaa waxaa la sii daayay bishii November 2009.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment