Al-shabaab oo Xasuuqdey Ilaa 30 kamid ah ciidamada Ethiopia

Bulsha:- Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay dileen 30 ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah kuwa Amisom, kuwaasi oo marayay tuulada Jameeco oo qiyaastii 20 km dhinaca bari ka xigta magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Iskahorimaadka oo bilowday galinkii dambe ee shalay soona gaaray maanta barqadii ayaa la isu adeegsaday hub cuslus, iyadoo dadka deegaanku sheegeen in ay maqlayeen rasaas noocyo kala duwan oo tan iyo shalay si goos goos ah uga dhacaysay halkaasi.


Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaasi ku dileen tobanaan ka tirsan ciidamada Amisom, kuna gubeen tiro gawaarida dagaalka ah, walina ay isku horfadhiyaan halkii uu dagaalku ka bilowday.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax war oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Amisom oo ku saabsan dagaalkaas.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment