Aqriso:- Jadwalka Maamul u Samaynta Goboladda Dhexe oo lasoo Bandigay

Bulsha:- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay jadwalka dhameystirka maamul u samaynta iyo dooroshooyinka Maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cabdiramaan Maxamed Xuseen (Odaawaa), ayaa u mahad-celiyay Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Farsamadda, Maamulka Xumin iyo Xeeb iyo dhammaan saaxiibadda beesha caalamka, sida hufan ee ay uga qayb qaateen Dhismaha Maamulka Gobolada dhexe ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa tilmaamay in muddo labo todobaad gudahood ah la qaban doono doorashooyinka Guddoonka Baarlmaanka, Madaxweynaha & Ku xigeenkiisa.

Sidoo kale Wasiir Odawaa ayaa sheegay in maalinta berri ah la dhaarin doono inta badan xubnaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, ka dibna loo gudageli doono doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment