A. Madoobe: “Diyaar ayaan u nahay xalinta khilaafka DF nagala dhaxeeya”

Bulsha:- Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin xal loo raadiyo khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federalka Somaliya.

Madaxda Jubbaland, ayaa waxay ka caroodeen tallaabada Baarlamaanka Somaliya uu dhawaan ku diiday soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, oo uu ku sheegay mid si sharci daro ihi lagu soo dhisay.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegay in Dowladda iyo iyaga ay kalsooni daro soo kala dhex gashay, ka gadaal markii Baarlamaanka Somaliya oo mid xaaraan ihi ku tilmaamay Baarlamaanka Jubbaland.

madoobe-kis-1Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay magacaaben guddi kaga qayb qaata wada hadalo dhex mara guddi uu toddobaadyo ka hor soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha, si ay u xaliyaan murunka ka dhashay tallaabada uu Baarlamaanka Somaliya ku diiday Baarlamaanka Jubbaland.

Axmed Madoobe oo Axadii Saxaafadda kula hadlay Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu soo dhaweeyay booqashada uu shalay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid uu ku tagey Magaaladaasi.

Madoobe wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay dib loo soo celiyo kalsoonidii kala dhaxeysay Dowladda Federalka, taasoo sida uu sheegay meesha ka baxday, markii Baarlamaanka Somaliya uu mooshin ka keenay Baarlamaanka Jubbaland.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment