Al Shabaab oo Xalay Dagaal ku Qabsady Akdemiyada Ciidamada ee Magaalada Kismaayo

Bulsha:-  Al Shabaab ayaa xalay waxa ay weerar qorshaysan ku qaadeen Xaruntii kulyadda Akadamiyadda Ciidanka ee magaalada kismaayo, Kulyaddan ayaa waxay qiyaastii 9km oo kaliya u jirtaa Xarunta Madaxtooyada ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidan xoogan oo ku sugnaa Akadamiyadda Kismaayo, ayaa waxaa shalay loo daabulay Deegaanka Buulo Gaduud, oo qiyaastii 29km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo, iyadoona kulyadda looga tagey Ciian aan sidaas u sii badnayn oo gaarayay ilaa 100 askari.

Dagaalka oo bilowday 22:00 habeenimo ee xalay, ayaa soo gaaray 1-dii ama 7-sacc oo habeenimo, waxaana si buuxdo halkaasi saacado ka dib ula wareegay kooxda xagjiriinta Al Shabaab.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment