Daawo Sawirada : Gabar yar oo 8-sano jir ah oo si caadi ah ula nool Masaska Nuuca Kobraha loo yaqaan

Bulsha:-  Gabadh yar oo u dhalatay dalka Hindiya, isla markaana 8 jir ah, ayaa masaska kubraha ah ee aadka u halista badan ka dhigatay saaxiibbo ay la ciyaarto, kuwaasoo marar badan qaniinay, balse aan wax dhib ah ku keenin.

Mss. Kajar Khan waxay doonaysaa inay noqoto dadka masaska qabta sida aabbaheed, waxaanay wax la cuntaa, meelna la seexataa, maalinimada oo dhanna la ciyaartaa lixda mas ee waaweyn, iyadoo xataa dugsigay dhiganaysay uga joogtay jacayl ay u qabto masaskan.



Gabadhan yar oo uu warbixin xiiso badan ka diyaariyey telefishan la yidhaa Btv, ayaa sheegtay in aanay jeclayn inay bani’aadamka la saaxiibto, dugsigay dhiganaysay shan sannoka hor masaskan dartood uga joogtay.

“Magacaygu waa Kajol, waxaanan ahayd siddeed jir. Waxaan ku noolahay magaalada Ghatapur ee dalka Hindiya, waxaanan la noolahay laba wiil oo aannu walaalo nahay, lix hablood oo walaalahay ah, hooyaday, aabbahay iyo lix mas oo nooca kubraha la yidhaa ah, kuwaasoo noqday saaxiibadayda ugu wanaagsan ee aan leeyahay,” ayey tidhi Kajol



Aabbaha gabadhan oo la yidhaa Mr. Khan, ayaa sheegay in dhawr jeer dhaawacyo ay soo gaadhsiiyeen masaska, balse uu daawo dhaqameed iyo dhir ku daaweeyey, waxaannu yidhi; “Masasku waa xayawaan wax naxariis ahna ma yaqaanaan. Marar badan oo uu qaniinay waxaan si dhaqso ah ugu helay daawo aan cabiisiiyey, meelaha dhaawacanna waxaan ku xoqaa caleemo iyo waraaqo madow, waxaanuna daawooyinka ka samaysannaa dhirta looxa laga sameeyo. Kama welwelo, sababoo ah waxaan siiyaa daawooyin aan ka bartay macallinkayga oo diyaarinaya. Ilaahay baan talo-saarta, hadduu doonayo in ay dhimatana waxba uma qaban karno.”

Carruurta ayaa cilmi-baadhiso la sameeyey sheegeen haddii ay la saaxiibadaan xayawaanka in noloshooda dambena ay la dhaqmaan oo ay af gartaan, lagana karin xidhiidhada saaxiibtinimo ee ay xayawaanka la yeeshaan.

W/T Ibrahim Khadar







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment