Daawo Sawirada:- Nin korkiisa ay wax walba ku dhagayaan.

Bulsha:- Nin u dhashay dalka Bosinia oo magaciisa la yiraahdo Muhibija Buljubasic, ayaa magaalo wadankaasi ku taala waxaa uu ku sameeyay bandhig ay dad badani la yaabeen sababtuna waxaa weeye jirkiisa ayaa waxaa ku dhagaya wax walba oo la dul saaro.

Ninkaan oo 56 sanno jir ah ayaa warbaahinta tusay jirkiisa oo shey walba oo la saaro uu ku dhagayo sidii bir qabatada oo kale.

Waxyaabaha uu bandhiga ku sameeyay waxaa ka mid ah Qaandooyin, Fargeetooyin ama maacuunta caadiga ah iyo xataa waxyaabaha caaga ka samaysan ama aan xataa birta aheyn.

Taleefoono ayaa ka mid ah waxyaabaha uu bandhiga ku sameeyay oo xataa kama dhacayaan ama kama fuqayaan in laga fujiyo mooyee.

Muhibija Buljubasic mar uu hadlay waxaa uu sheegay in waxa uu sameynayo aysan indho-sarcaad aheyn oo ay tahay mid dhab ah waxaana uu intaa ku daray in arrintaan uu isku arkay muddo haatan 5 sanno laga joogo.



Markii ugu horeysay ee uu arrintaan isku arkay waxaa uu xusay inuu arkay asagoo ay alaabo ku dhag dhagayaan marka uu damco inuu wax cunno.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment