Bulsha:- Fanaanadan Oo ku nool dalka Kenya waxa ayna fanka ku jirta waqti marka loo fiirsho horumarkeeda aad u yar oo dhowr sano ah, Hodon waxa ay soo saartay Albumo heeso ah oo aad looga dabadhacay, heeseedu waxey u badanyihiin kali kali, in kastoo ay jiraan kuwo lamaane ah oo ay wada qaadaan fanaanka caanka ah ee Cabdi Diini oo dhowr heesood ay kuwada luqeeyaan, waxaa kale oo fanaanadaan ay heeso la qaaday xidiga weyn ee Soomaliyeed Cabdi Tahliil Warsame.
Hodon marka loo eego faanaaniinta ku da’da ah oo xili ay soo wada bexeen amaba waqtiyo isku dhaw dhinaca fanka ay soo wada galeen waxaa la dhihi karaa waxa ay ka horeysaa dhowr talaabo, maxaa yeelay Hodon Cali waxa ay qaadaa heeso ay iyadu leedahay oo aan fanaanad kale horay ugu luqeyn, waxa ayna soo saartay Albumo iyadoo weliba joogta qaarada africa gaarahaan Kenya oo nolosheedu aad u adagtahay marka labarbar dhigo wadamada kale oo ay u badanyihiin fanaaniinta soomalyeed.
Sababta aan ciwaanka uga dhigay in fanaanadu waqtigu ka haliiyay macneheedu maaha in aan faanada xumaan u qabo ama aan wax ka sheego ee waxaan uga danleeyahay in Hodon tahay amaba la dhihi karo waxa ay kamid tahay fanaaniinta Soomaliyeed ee hada jira kuwa ugu horeeya iyadoo fanaaniin badan oo xiligaan heesa wax badan ka horeyn leheed hadii ay joogi leheed meelaha noloshu ka sahlantahay, Hodon Hadii ay ku noolaan leheed yurub ama waqooyiga Ameerica oo kale waxaan markaas dhihi lahaa iyadaaba qabsanleheed fanka Soomaalida, sababtuna wexey tahay waa fanaanad dhan weliba ka diyaarsan ha noqoto cod, muuqaal, jiliin, iyo qaar kaloo badan.
Mar weliba waxa ay idiin soo bandhigtaa warbaahintan hadii aad tihiin dadweynaha Soomaliyeed ee jecel fanka iyo wixii lamida hadba fanaanad ama fanaanki ay is leeyihiin waxbuu ku soo kordhiyay fanka Soomalida, waxa uuna mudanyahay in mahadsanid layiraahdo, maxaa yeelay qofka fanaanka ihi waxa uu fanaan uyahay umadiisa, Hodon Cali waxa ay kamid tahay fanaaniinta dawrka wanaagsan ka qaatay fanka soomaalida sanadadii ugu dalbeysay laga soo bilaabo 2008, waxaanu leenahay Hodon nasiib wacan iyo horu mar wanaagsan
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment