Bulsha:- Saynisyahannada Jaamacadda Edinburgh ayaa ogaaday in xanuun baabbi'iyaha uu kala joojinayo hormoonka taranka raganimo marka la qaato todobo maalmood.
Hormoonkan ayaa ah furaha korista xubnaha taranka ee labka.
Adeegga caafimaadka UK (NHS) ayaa ku talisa in haweenka uurka leh ay qaataan oo kaliya Paracetamol-ka marka ay tahay lagamamaarmaan, iyadoo waqtiga ugu yar la qaadanayo. Qof kasta ee u baahan daaweyn muddo dheer waa inuu talo caafimaad helaa.
Hay'adda UK ee la socota qeynuunka daawada iyo caafimaadka ayaa sheegtay in Paracetamol-ka uu ka mid yahay xanuun baabbi'yayaasha tirada yar oo badi loo arko ammaan marka ay hooyooyinku qaataan.
Tusaale ahaan, baaris ay sameeyeen Danishka ayaa lagu ogaaday in haweenka qaata xanuun baabbi'yahaya ay ad ugu dhow yihiin inay dhalaan wiilal xaniinyahoodu uu kor jiro, waxayna taasi keeni kartaa dhibaatooyin mustaqbalka oo la xiriira taranka.
Si loo ogaado waxa ka dambeeya xiriirkan ayey Saynisyahannada sameeyeen qaab aad ugu dhow xaaladaha uurka bani'aadamka. Jiir ayaa lagu beeray minka bani'aadamka kaddibna todobo maalmood ayaa la siiyay Paracetamol. Aad ayuu hoos ugu dhacay hormoonkiisa raganimo marka loo fiiriyo kuwa la siiyay daawada beenta ah, balse markii ay maalin qaateen ayeysan saameyn ku yeelan.
Madaxa baarista, Dr. Rod Mitcheal, ayaa sheegay in daraasadda ay xoojineyso cadeyntii jirtay ee isticmaalka dheer Paracetamol-ka oo xilliga uurka kordhisa qatarta dhibaatada taranka carruurta labka ah.
Wuxuuna sheegay dhakhtarku, in baaristan ay la xiriirto oo kaliya Paracetamol-ka oo dhowr jeer la isticmaalo.
Baarayaasha ayaa taxadar ka muujinaya inay weli deg deg tahay in la sheego xadka baarista la helay iyo sida bani'aadamka loogu adeegsan karo, balse waxay ay tahay muhiimadda in baaris lagu sameeyo haweenka uurka leh aysan suurgal aheyn.
Si kasta ha ahaatee, qeybta caafimaadka carruurta ee Royal College ayaa sheegeysa in Paracetamol-ka uu daaweyn muhiim ah yahay oo aan layska dhaafi karin, waxayna ku taliyeen in taxadar laga muujiyo baarista.
Baarista ayaa lagu daabacay wargeyska 'Science Translational Medicine'.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment