Socodka Lugta Ah Oo Firfircooni U Kordhiya Jirka Iyo Maskaxda

Bulsha:-  socodka lugta AHCilmi baaris Caafimaad oo mudo Sanado ah ay wadeen khubaro ku xeel dheer Arimaha Caafimaad oo u dhashay wadanka Mareykan ayaa Natiijadii kasoo baxday waxa ay aheed in Socodka Lugta ahi Caafimaad ahaan iyo Maskax ahaan u fiican yahay Caafimaadka Aadanaha

Sida warbixintan caafimaad oo mudo laba sanadood ah lagu guda jiray ku warantay waxa dad tiradooda lagu qiyaasay 120-qof oo da’doodu u dhaxayso 55-jir ilaa 80 jir, kuwaas oo laba qaybood loo kala qaybiyay waxaana qayb ka mid ah laga codsaday inay socod lug ah oo dabiiciya iskood u sameeyaan, halka kuwa kalena laga dalbaday inay jimicsi ku sameeyaan qalabka Electronics ah ee lagu jimicsado, waxaana mudo sadex todobaad gudahood ah lagu ogaaday inay kala fiican yihiin labadan qaab jimicsiga loo sameeyo.

Sida lagu sheegay cilmi baaristan socod qofku si caadiya u sameeyo maalin walba afartan daqiiqadood gudahood ay wax badan ka tarayso caafimaadka jirka iyo maskaxda.

Sida cilmi baaristan daaha ka rogtay dadkii sameeyay socodka lugta ah ee caadiga ah oo mararka qaarkood ay ku lamaan yihiin orod gaaban oo nooca ruclaha loo yaqaano ahi ay koriso maskaxda qaybta fir fircoonida jirka galisa ee loo yaqaano, “Hippo Campus” qaybtaas oo masuul ka ah firfircoonida jirka iyo maskaxda.






Source:-Qurbo
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment