8 Astaamood Oo Lagu Garto Hogaamiyaha Xun

Bulsha:- hogaamiyahaCalaamadaha lagu sooco hogaamiya xun. Waxaa la’ogaaday in Hogaamiyaha leh astaamahan uu san u qalmin Hogaaminta Shirkad, Dada, Mashruuc iwm. Sababta ugu weyn ee Hogaamiyahu waxa ay tahay kasbashada kalsoonida dad ka isaga la shaqeeya ama ka hooseeya. Aniga oo aan hadalka kusii dheeraan , waxa aan calaamadahan kusoo gaabinayaa sida soo socota.

1. NAXARIIS LA’AAN. Marka laga hadlayo Naxariista ma ahan in looga jeedo “BeerJileec aad ah” ee waxa ay tahay in qof ka hogaamiyaha ah uusan noqon xasid. Tusaale marka arrinta ama dhib jira lookeeno in uusan ka eegin arrinta dhankiisa oo kaliya, laakiin uu iska dhigi karo sida isaga oo dhib kaa ama arrintaa ay haysato oo kale isla markaana go’aan ka qaata.

2.    KA BAQA ISBADAL KA. Fulay aan karti lahayn. Isbadal ku waa wax laga cabsado maadaama ay qof ka u muuqanayso shaki iyo mugdi ama hubid la’aan in sida qorsha loo dajiyo uusan u hagaagin. Hogaamiya aan lahayn karti kuu sameeyo ISBADAL , waxa uu noqdaa haraa, waana laga tagaa.

3.    ISBADALI OG.

Hogaamiyaha guulaysta waa kan marka gorgortan uu galo uGu yaraan hela meeldhexe in la’iskugu yimaado ( win/win ). Xaalad labada dhinacba guulaystaan. Waa in uusan noqon mid si dhaqso leh u badala fikir kiisa iyo go’aan kiisa ama ka laabta qorsha hiisa marka figrado adag ama kale laga hor keeno.

4.    MADAXNIMADA JECEL OO FAAN BADAN.qof ka madax-madax iska dhiga uu ku fiican yahay in uu madax noqdo, laakiin taa waa qalad. Hogaamiya saxda ahi ma ahan mid ku shaqeeya amar ku taaglayn iyo amaro adag ee uu bixiyo ee waa kan shaqaalahiisu ay jecel yihiin ee mar kasta xitaa hadii uusan joogin ay qabtaa shaqada laga doonayo. Kuwo jecel in ay la shaqeeyaan ama uu hogaamiyo.

5.    RAJO KU NOOL.

Waa in hogaamiyuhu uu yahay mid kalsooni ku qaba naftiisa , isla markaana go’aan qaadasho badan oo aan ku seexan oo kaliya rajo iyo yaa hawshaa inka leh iwm. Waan markasta uu yahay qof go’aan qaata iskana ilaaliya go’aan la’aan rajo ku nool ah.

6.    DAD KA SI QALDAN U FAHMA.

Qof aan kala soocin dad ka ee aan kala garan kan saaxiibka daacada u ah iyo shaqaalaha kale. Qof aan ogayn ama baran dabeecada dhabta ah ee dad ka la shaqaynaya ee si qaldan u fasirta ama u fahma dad ka.Aan soo dhawaysan dad ka isaga caawin lahaa.

7.    QOF AAN ISKU DHEELI TIRNAYN.

Nolosha bini’aadam ku waa in ay isku dheeli tiran tahay. Tusaale hadii Hogaamiyuhu leehaya qoys waa in uu isku dheeli tiro shaqadiisa iyo tan qoys kiisa. Hadii uu yahay tusaale mid shaqada uGu soo hormara uGu dambeeya waxaa dhici karto in uu u qaato in qof kasta isaga oo kale uu yahay, taanisa waa been. Hoogaamiyihu waa in qof kasta uu ula dhaqmo sida uu yahay qof kaas.

8.    XISHOOD LA’AAN.

Qof u dhaqma sida in uu wax kasta isagu samayn karo, oo uuna yahay qof ka samay kara waa uu qasaaraa sababta oo ah waxa uu ku mashquulayaa in uu qof  kasta shaqadiisa. Waxa uu noqonayaa hogaamiya wax kasta, taana waa qalad oo waxa ay keenaysaa in uusan horay u socon. Intaas waxa aan oran karaa in ay tahay tusaale balaaran oo ku filan in hogaamiyaha in uu iska ilaaliyo.







Source:-Qurbo
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment