Haweeneey Sucuudiyaan ah oo loo furay arin aad u yaab badan

Bulsha:- Haweeneey u dhalatay Sacuudiga ayaa warbaahinada caalamku aad u hadal hayaan kadib markii lagu furay dhacdo yaab badan, haweeneydaan ayaa la sheegay in ay seygeeda Whatsupp ugu dirtay ayadoo baabuur wadeysa.

Waxaaney aheyd markii ugu horeysay ee ay baabuur kaxeyso, ayadoo uu la socday wiil walaasheed dhashay oo isagu ka duubay muuqaalka, sidaasna ay ugu dirtay seygeeda ayadoo islaheyd kedis uga dhig si uu u farxo, balse halkii ay hambalyo iyo farxad filaneysay ayey uur kutaalo la kulantay, ayadoo sedexdeeda dalaaqo teleefoonka looga tiriyay, waxaana loo sii raaciyay ( guriga hooyada horey u aad inta aan kasoo dhameynayo warqadaha furiinka) sababta ayaana aheyd in ninku aad uga xanaaqay baabuurka ay wado suuqa dhexdiisa, iyo amar la’aanta aysan kala tashan una sheegin inay gaari kaxeyn doonto.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment