Bulsha:- Caanaha yogurt 2Daraasado  lagu sameeyay caanaha la fariisiyay ee loo yaqaan Yogurt ayaa muujiyay in laga helo faaidooyin badan oo dhanka caafimaadka iyo quruxda ah.
Yogurt-ka waxaa ku jira macdanta Calcium,  potassium, magnesium,  vitamin B-2 iyo vitamin B-12. Hadaba waxaan halkaan idin kula wadagaynaa faaidooyinka laga helo Yogurt-ka:
- Dheefshiidka ayuu hagaajiyaa waxaa uu wax ka taraa calool fadhiga, shubanka, kansarka ku dhaca mindhicirka, Infekshinnada H. pylori iyo cudurka bararka mindhicirka
 - lafa-beelka ayuu ka hortagaa
 - Kolestaroolka ayuu hoos dhigaa.
 - Yogurt-ka waxaa ku jirta bakteeriyada wanaagsan ee jirku u baahanyahay (good bacteria)
 - Dhiig karka ayuu hoos u dhigaa.
 - Yogurt-ku waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka protein-ku ku badanyahay
 - Waxa uu burburiya dhagxaanta ku samaysma kelyaha (Kidney stones)
 - Cayilka ayuu yareeyaa
 - Calaamadaha gabowga ee maqaarka jirka ayuu dib udhigaa, hadii wajiga la marsado waxaa uu baabi’iyaa jacdadka.
 - Waxaa uu baabi’iyaa finanka wajiga (acne) sababtoo ah waxaa ku jirta maadada la yiraahdo lactic acid ee dhisa bakteeriyada. isku darso 1 koob oo caanaha yogurt-ka ah, 2 ilaa 3 dhibcood oo almond ama olive oil ah iyo 1 qaado oo malab ah kadibna wajiga marso adigoo sugaya mudo 20 ilaa 30 daqiiqo ah.
 
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment