Madaxweyne Deni oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Qoorqoor

Bulsha:-  Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad, wuxuu maanta furay Kalfadhigga -aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka  maamulka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Baarlamaanka, Mudaneyaasha Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo iyo Marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimaha doorashooyinka Federaalka ee golaha Shacabka doorashooyinkii dhawaan ka dhacay degmooyinka mid ah.

Waxaa uu sidoo kale jawaabay si dad badan hadallo dhawaan Madaxweynaha Galmudug iyo Siyaasiyiin ay Puntland ugu eedeeyeen in ay taageerto Ururka Ahlusunna.

Deni waxaa uu sheegay in wax kasta oo amniga iyo horumarka dowlad Goboleedyada dalka lid ku ah ay sidoo kale lid ku tahay Puntland

“Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inay Dowladda Puntland, mar walba wada shaqayn dhow iyo iskaashi la leedahay Dowladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Somaaliya, wax kasta oo amniga iyo horumarkooda caqabad ku ahna uu sidoo kale lid ku yahay amniga, xasillonid iyo horumarka Puntland” ayuu yiri Madaxweyne Deni.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment