Shabaab oo weeraray Saldhig ay leeyihiin ciidanka Puntland

Bulsha:- Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay Saaka weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur oo kuyaal duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ilaa ku dhawaad 10 madfac lagu weeraray Saldhiga, kuwaas oo ku dhacay Gudaha Saldhiga iyo hareerahiisa, balse aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Ciidanka Puntland ayaa rasaas culus uga jawaabay weerarka Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ay duqeeyen goobtii laga soo tuuray.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ay iska caabiyeen weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu soo qaaday, hayeeshee aysan bixin faah faahin intaasi ka dheer.


 








Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment