Dagaalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel Cadde oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka.
Masuuliyiin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada ay iska difaaceen xubnaha weerarka soo qaaday, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen Shabaab.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay ku dileen ilaa 5 dagaalame oo ka tirsanaa Mintidiinta Al Shabaab, gacantana ay ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay.
Shalay oo ugu dambeysay ciidanka dowladda iyo Al Shabaab ayaa ku dagaalamay duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.
Dagaaladan ayaa waxa ay ku soo aadeen xilli magaalada Beledweyne ay shalay booqasho ku tageen guddiga Midowga Afrika u qaabilsan nabadgelyada iyo ammaanka, oo wada qiimeyn ku saabsan xaalada ammaan ee dalka.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment