Ciidanka dowladda iyo Al Shabaab oo markale ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Bulsha:- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel Cadde oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka.

Masuuliyiin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada ay iska difaaceen xubnaha weerarka soo qaaday, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay ku dileen ilaa 5 dagaalame oo ka tirsanaa Mintidiinta Al Shabaab, gacantana ay ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay.

Shalay oo ugu dambeysay ciidanka dowladda iyo Al Shabaab ayaa ku dagaalamay duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.
Dagaaladan ayaa waxa ay ku soo aadeen xilli magaalada Beledweyne ay shalay booqasho ku tageen guddiga Midowga Afrika u qaabilsan nabadgelyada iyo ammaanka, oo wada qiimeyn ku saabsan xaalada ammaan ee dalka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment