Muudeey Oo Sheegay Inuu Kala Dirayo Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda Ee Golaha Shacabka

Bulsha:- Qoraal ka soo baxay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayuu ku dhawaaqay in la kala diray Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka.

Muudeey waxaa uu ku sababeeyey

  • Markii caddaatay khilaafka ka dhex jira guddoonka guddiga, oo gaaray heer fool xun.

  • Markii ay xubnaha isku khilaafeen golaha hortiisa, oo aaney muuqan wadashaqeyn ay ku guraan waajibkooda

  • La tashtay guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad
  • Intaasi kadib, waxaa uu soo saaray go’aankan:


Waa la kala diray xubnaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka
Waxaa degdeg loo magacaabaa guddi maaliyadeed oo cusub
 Waxaa degdeg loo qaban-doonnaa doorashada guddoon cusub










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment