Akhriso: Waraaqdii uu taliyaha Xoogga ku codsaday in la fasaxo diyaaradda Imaaradka Lacagta u siday iyo sawiro laga helay Lacagtii la qabtay

Bulsha:-  Waxaa noo suurta gashay inaan helno waraaq uu Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod uu Maareeyaha Dekadda uga codsanayo in la fasaxo diyaaradda Imaaraadka u siday lacagta.

Safaaradda Imaaraadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waraaq codsi ah u dirtay  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, waxayna ka codsatay inuu usoo fasaxo Diyaarad uga imaaneyso Magaalada Boosaaso oo u sido  lacago mushaaraad ah iyo Raashin.

Taliye Gorod ayaa waraaq fasax  ah u qoray Maareeyaha Dekadda Muqdisho isagoo ka codsaday in Diyaaradda Lacagta iyo Raashinka wado loo fasaxo Safaaradda Imaaraadka Carabta.

Maareeyaha oo xilligaas maqnaa ayaa waxaa joogay ku xigeenkiisa wuxuuna ku gacan seyray inuu aqbalo codsiga ka yimid Taliye Gorod, waxaana sidaas lagu hakiyey diyaaradda.
Muran fara badan ayaa ka dhashay in diyaaradda la baaro iyo in kale, waxaana dood badan kadib nabadsugidda go’aan ku gaartay in diyaaradaan la baaro isla markaasna la ogaado waxa ku jiro.















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment