Maxay tahay sababta Madaxweyne Farmaajo ugu hoyday Wasaaradda Gaashaandhigga?

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku hoyday caawa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waana markii ugu horreysay burburkii kaddib uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku hoydo xaruntaas.

Sababta uu Madaxweynuhu ugu hoyday Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa wararku sheegayaan inuu kulamo joogto ah la yeesho Saraakiisha iyo Hoggaamada Ciidanka Xoogga si la iskugu dubba rido Ciidanka Qaranka oo u diyaar garoobay inay Alshabaab dalka ka xoreeyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyayaasha Booliska iyo Nabadsugidda, Abaanduulaha Ciidamada Xoogga iyo Hoggaamida Ciidanka Xoogga ayuu Madaxweyne Farmaajo kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah la lahaa maanta ilaa caawa, si loo dhammeystiro abaabulka dagaalka ay ciidamada Qaranku kaga sifeyn doonaan Alshabaab.
Waa markii shanaad uu Madaxweyne Farmaajo ku shaqeeyo Wasaaradda Gaashaandhigga, waana markii u horreysay uu u hoydo, taasina waxay tilmaamaysaa in ay Madaxweynaha ka go’antahay inuu dalka ka xoreeyo aragagaxisada Alshabaab iyo in Soomaaliya laga dhaliyo nabad iyo xasillooni.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment