Somaliland oo ka hadashay go’aanka kasoo baxay baarlamaanka DF Somalia

Bulsha:- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiilada maamulka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Go’aanka kasoo baxay baarlamaanka Somalia uusan waxba u dhimi doonin Somaliland.

Xildhibaan Axmed, waxa uu sheegay in baarlamaanka Somalia uu qaatay go’aan iyaga u gaar ah, waxa uuna tilmaamay inaanu waxba ka khuseyn go’aan waliba oo kasoo baxa dowlada Somalia.

‘’Go’aanka kasoo baxay baarlamaanka Somalia waxa uu lamid yahay go’aan uu gaaray shaqsi aan waxba kala socon adduunka, waxaan u sheegeynaa dowlada Somalia inay iska ilowdo waxa ay ku riyooneyso ee weli ku jira maankeeda’’

Xildhibaan Axmed, waxa uu sheegay in Somalia ay la yihiin dal dersi ah iyaguna ay yihiin kuwo ismaamula oo deris al ah Somalia isla markaana aan uga sokeyn Ethiopia iyo Uganda.

‘’Waxaan dowlada Somalia ugu baaqi lahaa inay go’aankeeda uusan ka beerdaroobin oo ay qaado talaabada ay is leedahay waxbaad kusoo celinkartaan waayo waxaan ogahay inuu wakhti ka qasaari doono oo aanu waxba ka khuseyn go’aan waliba’’

Sidoo kale, waxa uu sheegay in shirkada DP World ay ku saxan tahay go’aanka ay ku laashay amarka dowlada Somalia, hase ahaatee waxa uu tilmaamay inay u harsan tahay kaalintooda.

Haddalka Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, ayaa kusoo beegmaaya xili baarlamaanka Somalia uu shirkada DP World ka mamnuucay guud ahaan Somalia.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment