Bulsha:- Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed Kuwa ugu Caansan Looguna Jecel yahay ayaa kahadlay Dhibaatada Haysata Soomaaliya, Gaar ahaan wuxuu diirada saaray siday Soomaalidu ku Xaliso marka ay dhibaato gaadho.
“Hadii aynu Soomaali nahay Waxaynu Qaadanaa dariiqa ah ina Yareeya, Dawladdii waynayd waa lagu heshiin waayey Ina kala Gooya, Gobol-gobol waa lagu heshiin waayey ina kala gooyo, Reerka ayaa heshiin waayey Laba Suldaan u sameeya, Waa ina yareeya Xalkeenu Hadii uu yahay Dawladda, Qabiilka ama Shirkadaha, Halka Dunida marka dhibaato ay dhacdo la raadiyo Sida xal loogu helayo dhibka”. Ayuu yidhi Sheekh Mustafe.
Wuxuu ka hadlay Halista gaalada ee ku aadan Dalalka Islaamka iyo Sida looga Faa’iidaysto Markay Jabaan, Wuxuuna Tusaalle usoo qaatay Qiimihii Soomaaliya ee Burburkii ka hor iyo waxa dhacay markii dalku Bur-buray, Wuxuuna sheega in marka aad Jabto waa laguu talinayo.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment