Dad weyn aad u fara badan oo ruxayay caleemo qoyan ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa soo dhoweeyay degmada Carmo ee gobolka Bari,waxaana Madaxweynuhu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degmadaasi,isago uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhoweeyeen.
Madawaynaha ayaa shacabka kula Kaftamay ” Qardho waxa laygu gudoonsiiyay Faras, waaciye waxa laygu gudoon siiyay Geel, Hadana Carmo waxa laygu gudoon siiyay Dhul, maanta kadib Halkan Hantidayda ayaan usoo Doonan “
Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa degmada uga gudbay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,iyadoo haatan shacabka magaalada Boosaaso ay waddooyinka ku sugayaan wefdiga.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment