MUQDISHO: Laba Diyaaradood oo isku dhacay Garoonka Aadan Cade (Sawirro)

Bulsha:-  Shil diyaaradeed ayaa ka dhacay gudaha garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo garoonka taagnaa.

Sida aan Wararka ku helnay diyaarad Midowga Yurub leeyahay oo kusoo degtay garoonka Aadan Cadde ayaa ku dhacday diyaarad kale oo garoonka taagneed oo rakaab ka qaadeysay.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Diyaarada Midowga Yurub u kireesan oo dooneysay in goob barkin ah gasho ku dhacday waxyeelana gaarsiisay diyaarad kuwa gudaha Soomaaliya u safra ah .
Shilkan ayaan dhalin wax khasaaro ah marka laga reebo waxyeelo soo gaartay labada diyaaradood ee isku dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Garoonka oo ku aadan shilkan diyaaradeed .










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment