Daawo:- Afganistaan Ciidanka oo soo afjaray hotel ay weerareen koox hubeysan (SAWIRRO)

Bulsha:- Ciidamada gaarka ah ee dowladda Afghanistan ayaa  saaka soo gaba gabeeyay howlgal ay ku galeen Hotel  caan ah oo ay xalay fiidkii galeen Koox hubeysan kuwaas oo qaraxyo iyo rasaas isugu daray dadkii Hotelka ku sugnaa.

Wasaaradda Amniga gudaha Afghanistan ayaa shaacisay in 5 Qof ay dhinteen,lix kalena ay dhaawacmeen,iyada oo Ciidamada amaanka ee Hotelka gurmadka u galay ay badbaadiyeen 150 Qof oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka.

Hotelka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Intercontinental,waxaana sidan oo lale 2011kii la weeraray ku dhintay 20 Qof,iyada oo markaas ay Dalibaan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Weerarka xalay ilaa saaka ma jirto ilaa hadda cid sheegatay waxaase  la filayaa in Daalibaan ama Daacish ay midkood sheegtaan.
Weerarkan waxaa uu ku soo aaday iyada oo safaaradda Mareykanka ee Kabul ay digniin u jeedisay Hotellada Kabul in ay la kulmi doonaan weerarro argagixiso.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment