Mareykanka oo ka digay Falastiiniyiinta Inay baajiyaan kulanka Mike Pence

Bulsha:- Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa uga digay dowladda Falastiin inay hakiyaan kulan ay dhammaadka bishaan la qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, kaddib go’aankii madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil.

Digniinta Mareykanka ayaa imaaneysa kaddib warar sheegaya in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas laga yaabo inuu isaga baxo qorshaha la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

Xubin sare oo ka mid ah xisbiga madaxweyne Cabaas ee Fatah, ayaa sheegay in Mr Pence “aanan lagu soo dhaweyn doonin Falastiin” booqashada uu ku imaan doono Falastiiin sababa la xiriira go’aankii Trump uu ka qaatay Qudus.

Mr Pence ayaa lagu wadaa inuu booqdo Bariga Dhexe, dhammaadka bishan.

Kolsii horeysay, in ka badan 30 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay isku dhacyo ku dhexmaray ciidamadda Israa’iil iyo dibad-baxayaal Falstiiniyiin ah, magaalada la heysto ee Daanta Galbeed.

Dibab-baxayaasha reer Falastiin ayaa ka careysnaa go’aankii madaxweyne Trump uu ugu dhawaaqay Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.

Sikastaba, Kaaliyaha Aqalka Cad ayaa sheegay in kulanka uu sidiisa u dhici doono









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment