Tarsan: “Ragga lagu qabtay Hotelka Naasahablood,halkooda lagu dilo”

Bulsha:- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku taliyay in halkooda lagu toogto xubnaha ka midka ah Al-shabaab ee ay dowladdu sheegtay in ay ku qabatay weerarkii Hotelka Naasahablood 2 ka dhacay shalay.

Tarsan,ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiin maanta ka qeyb galay aaska xubno ka mid ahaa dowladda iyo dowlad Goboleedyada oo ka dhacay magaalada Muqdisho,kuwaas oo ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xubnahaas lagu hortoogto fagaaraha Ex-Shabeelle islamarkaana lagu fuliyo salbin,sida uu yiri.

Saraakiil Ciidan,Xildhibaan hore iyto Wasiirkii arrimaha gudaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka mid noqday dadka ku dhintay weerarkaas oo tiradooda lagu sheegay in ay kor u dhaafeyso 25 Qof iyada oo uu dhaawac ka badanyahay 30 Qof.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotelka Naasahablood2 ee Magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in Hotelka ay weerareen 5; ka mid ah Al-shabaab,labo ka mid ah la toogtay saddexna nolosha lagu hayo hadda oo ay gacanta ku hayaan hay’adaha amniga SOomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment