Kulan deg deg ah oo La isugu yeedhay Golaha Wasiirada Xuukmadda Somalia

Bulsha:- Shir deg deg ah ayaa la isugu yeeray Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo laga yaabo inuu ka soo baxo go’aano la xiriira amniga, kaddib qaraxii shalay lagu weeraray Hotelka Naasahablood 2.

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in shirka uu horu-dhaciisa uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, kaddibna uu ku soo biiri doono Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hada ka qeyb galaya shir u socda Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in dhici karto in tallaabooyin amni ay ka soo baxaan, maadaama labo todobaad gudahood uu magaalada ka dhacay weeraro.

Waxaa soo baxaya doodo adag oo ka taagan habka sugida amniga Caasimada iyo sida aanay hey’addaha ammaanka wali u qaadin wax mas’uuliyad ah labadii weerar ee u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Lama oga in tallaabooyinka la qaadi doono inay ka mid noqon doono kuwo xilalkooda ku weyn doonaan saraakiil amni iyo in kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment