Booliiska Mareykanka oo si xun ula dhaqmay Gabar Kalkaaliso ah (Daawo Sawirada)

Bulsha:- Labo askari kamid ah ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa si xul ula dhaqmay gabar kalkaaliso caafimaad ah oo diiday in ay dhiig ka qaado bukaan miyir daboolan oo la geeyay isbitaal ay ka shaqeeneysay.

Askartan katirsan booliiska magaalada Salt Lake City ayaa lagu eedeeyay in ay sharafta uga dhaceen ciidanka booliiska Mareykanka, waxaana labadan askari hada wajahayaan dhaleeceyn xoogan oo kaga imaaneysa dhinacyo kala duwan.

Waxaa socda baaritaano ku saabsan kiiska labadan askari ee ku aadan falka ay kula dhaqaaqeen gabadha kalkaalisada ah, waxaana muuqaalka sida ay wax u dhaceyn duubtay kaamirad ku xirned mid kamid ah labada askari ee sida xun ula dhaqmay Kalkaalisada.

Kaamirad ku xirneed askariga lagu magacaabo Jeff Payne ayaa laga arkay isaga oo qabanaya ka dibna gacmaha ka xiraya Kalkaalisada lagu magacaabo Wubbels, oo u sheegtay in aysan nidaamka waafaqsanayn in bukaanka ka qaado dhiiga ay ka dalbadeen.
Muuqaalka ayaa laga maqlayay codka Kalkaalisada oo ku cataabeysa in aysan wax dambi ah galin, waxaa sidoo kale muuqaalka laga dhageystay codka askariga Jeff Payne oo sheegaya in uu isbitaalka ka aarsanayo.
Duqa magaalada Salt Lake City, Jackie Biskupski ayaa si kulul u cambaareeyay falkan ay ku kaceen ciidamada booliiska, waxa uuna sheegay in falka lagula kacay Kalkaalisada in uu yahay mid aan la aqbali karin.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment