Maxaad Ka Garaneysaa Shukaansiga Qarsoon Iyo Luqadaha Rasmiga Ah Ee Uu Ukala Qeybsamo.?!

Bulsha:- Luqadu waxa ay leedahay noocyo badan, tasaale ahaan dadka dhegaha la ayaa waxa ay ku wada hadlaan faraha sidaa darteedna loogu yeeraa luqada dhagoolayaasha. Qofka oo wax sawira ayaa waxa uu ku sheegi karaa fikirkiisa, waana sida inta badan loo yidhaa hal sawir ayaa waxa uu u dhigmaa kun eray.

Qofku marka uu wajiga ka kiciyo giir, ama ay gabadhi huruufto gabadh kale, indhaha aad taagtid ayaa waxa la odhan karaa dhamaan dadkaasi way hadleen, laakiin waxa ay ku hadleen luqada jirka.

Hadaba adiga oo aan is ogeeyn ayaa waxa laga yaabaa in aad la hadashid wiil adiga oo adeegsanaya luqda jirka, taasna waxa loo turjumi karaa shukaansi dadban ama qarsoon. Waxa laga yaabaa in aad aragtid wiil ku soo jiitay, maskaxduna ku leedahay ha fiirinin, laakiin dareenkaagu kuu duwo dhanka uu kaa jiro. Halkaasna waxa aad ku ogaatay in qayb ka mid ah maskaxdaada oo aanad xukumi karin bilaabtay shukaansi, taasna halkan ka sii akhri sida ay dadku ayaga oo is ogayn isula hadlayaan.

Hal il biriqsi oo kali ah ayaa ku filan qaybta maskaxda ee la xukumi karin in ay fahanto soo jiidasho ay dareento. Qofku markaas ha rabo ama yaanu rabin ee waxa ku dhashay dareen qof ka helid ah.

Daymada indhaha ayaa ah waxa ugu horeeya ee laga arki karo in uu qofku xiisaynayo qofka kale. Nin iyo naagba waxa ay ku dheeraadaan daymada qofka ay ka helaan. Raga ayaa marka ay indhaha isku dhuftaan qofta dumarka ah ee soo jiidata ka sii jeesta, hadana dib ayay u fiiriyaan. Halka dumarkuna ay marka hore si fiican u fiiriyaan, ka dibna dhulka ayay fiiriyaan ayaga oo dib indhaha ugu xadaya. Taas oo macnaheedu yahay waan wada hadli karnaa.

Waxa dhacda in qofka ka hela qof kale uu hortiisa ka qaado hadii ay alaabi taalo, taas oo uu uga jeedo waad ii iman kartaa. Fadhiga ayuu qofku wax ka badelaa si loo arko in uu yahay qof loo iman kara oo diyaar u ah wada sheekaysi. Wax kasta oo uu qofku u arko in uu u dhaxeeyo isaga iyo qofka uu ka helayna wuu iska hor qaadaa.

Haweenka ayaa waxa ay ayaga oo is ogeeyn baneeyaan meelo jirkooda ka mid ah sida gacma, qoorta oo ay timaha ka qaadaan ama ku ciyaara wisaakhyada ay gashan yihiin.

Marka ay labadii iska helay bilaabaan in ay wada hadlaan ayaa waxa ay istusaan in ay is xiisaynayaan ayaga oo si fiican dhulka lugaha ugu taagan. Taasina ay ka dhigan tahay meela uma socdo oo waxa aan rabaa in aan kula sii sheekaysto. Hadii xiisuhu sii socdana waxa laga arkaa dareen farxad leh oo ka dhex dhasha iyo hadalka oo ay yareeyaan. Gabadhu hadii ay koob gacanta ku hayso ayay kor ka salaaxaysaa, dibnaha ayay carabka marinaysaa ama qoorta ayay yara xoqonaysaa. Waxa kale oo laga arki karaa dareenka soo kala dhex galay labadan hadii ay joogaan meel wax laga cuno sida uu qofku cuntada u cunayo isaga oo aan isogeeyn.

Ragana waxa laga arkaa in uu iska debciyo garabaatiga ama tayga, guluusyada shaatiga iska furo iyo deganaansho. Dumarkuna kabahooda sanadaalka ee ay xiran yihiin ayay cagta si yar oo qurux badan ugu garaacaan ama timha ayay sii daayaan.

Sida aad halka sare ku aragtaan in ay luqadu ahayn ta kaliya ee afka laga hadlo ayaa waxa ay Allsiyaasad rajaynaysaan in aydin si qalad ah u turjuman luqdaha jirka ee aad aragtaan. Waxa kale oo Allsiyaasad.com idiin rajaynayaa is ku dhicid (isbarasho) idiin horseeda guur iyo reer lagu reeyo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment