Sidee ku dhacday in Raveena Tandon ay Anil Kapoor si sax ah muuqaal ahaan isugu ekeysiiso?

Bulsha:- Showga caanka ah ee TV-yada caalamka laga daawan jiray Lip Sync Battle hada asigoo Hindi ah ayaa la sameenayaa waxaana masuuliyaad qaadatay gabadha Dance-ga sameyso sidoo kalena Director ah Farah Khan waxaana la daadihinaayo shactiroole Ali Asgar.

Bandhigaan ayaa ku saabsan in labo shaqsi oo aan ah ku tartamaan sida ay muuqaalo kala duwan u sameesan karaan midba midka kale marka uu ka xariifsanaado ayaa la kala guuleestaa.

Raveena Tandon iyo Ayushmann Khurrana ayaa wada duubeen xalqo ka mid ah barnaamijkaan waxaana hadal heynta la wareegatay atirishada Raveena oo weliba si sax ah muuqaal ahaan isugu ekeysiisay ruug cadaa Anil Kapoor.


Raveena ayaa Anil isku ekeysiisay soona xiratay dharkii uu Anil caan ku ahaa kuna qaaday heesta hirgashay “My Name Is Lakhan”

Qof walbo ayaa la yaabay sida Raveena Tandon ay muuqaalka Anil Kapoor u sameesatay kaasi oo noqday mid si an caadi ahayn baraha bulshada loogu hadal haayo.


Barnaamijkaan xalqadiisii kowaad waxaa wada duubeen Farhan Akhtar, Arjun Kapoor, Karan Johar iyo Parineeti Chopra, halka xalqada labadaana Raveena Tandon iyo Ayushmann Khurrana waxaana hawada lagu soo deyn doonaa barnaamijkaan xiisaha badan 16-ka bishan September ayadoo Star Plus.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment