U Gaar Dumarka : Ka Hor Inta Aadan Xariirka La Sameyn , Arimahaan Ka Ogoow

Bulsha:-  Su`aalo ay mudan tahay in haweeneydu is weydiiso ka hor guurkeeda aad ayayna u badan yihiin taasi oo ku aadan ninka ay xariirka lala sameeynaaan , waxaana jira dhowr su`aal oo ay haboon tahay in ay is weyiidaan .

Da`diisa munaasib miyaa? gaar ahaan da`da ragga ma aha mid wiiqi karta guurka hadii uu jiro jaceyl dhab ah , balse iyadoo la eegayo kala duwaanaha is saarka physiological-ga waxaa haboon in uu ninka uu haweeneyda ka weynaado , waxana lagu taliyaa in ay haboon tahay in ninka haweeneyda ka weyn yahay ugu yaraan 5-ilaa 8-sano .

’Ma Yahay Nin Caqli Badan: waxaa la ogsoon yahay in inta badan haweenka ay aad uga helaan in ay xariir la sameeyaan nin caqli badan , hadaba waxaa haboon in haweeneyda ay baaritaan ku sameeyso heerka uu gaarsiisan yahay caqliga ninka ka hor inta xariirka bilaabin waayo ninka caqli badan haweeneyda waxa uu ka dhigaa mid ka xasiloon dhanka laabta ,(Raaxatal Baal)

Ma Yahay Nin Dareen Leh : haweenku aad ayay uga helaan ninka leh dareemaha bani`aadanimo ee sida weyn u tix giliya dadka kale ee hareerahiisa jooga.

Ma Isku Kalsoon Yahay: su`aashaan waxaa lagu tirayaa midda ay sida weyn u daneeyaan haweenka , waayo ninka isku kalsoon waxa uu awood u leeyhay in uu xadido aayaha musqatbalka gabadha uu nolosha la wadaagayo.

Ma Haystaa Shaqi Mushaarkeeda Uu Fadhiyo: In tani ay haweeneyda iska xaqiijiso wax ay siineysaa degnaasho dhanka maaliyada ah , waxa ayna ka qaataa xasilooni.

Aad Miyuu U Maseer Badan Yahay: ninka aadka u maseerka badan waxa uu ka dhigaa nolosha haweeneyda mid aad u cariiri ah , kaliya haweenka wax ay ogal yihiin ninka leh maseerka yar kaasi oo loogu yeero maseerka loo bahaan yahay , balse maseerka xanuunsan waa midka bur buriya qoyska











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment